Somali

 

Guriga gabdhaha ee Tampere waa meel ay ku kulmaan gabdhaha dhaqanada kala duduwan leh gabdhahaasoo da, dooduna tahay 12-28 iyo naagaha dhalinyarada ah ama da, da yar. Gurigan gabdhaha wuxuu ku yaalaa bartamaha magaalada Tampere ahna meel u dhow gaadiidka loo kala raaco dhan walba oo magaalada ah. Waa bilaash imaantinka ama ka geybgalka barnaamijkan.

 

Waxaad ka heleysaa guriga gabdhaha:

- Inaad la kulanto saaxiibo 
- Waxaad ka heleysaa taageero caawimaad sida marxaladaha dhibaatooyinka kala duduwan
- Waxaad ku baran kartaa luqada Finishka
- Waxaad ku isticmaali kartaa 
- Waxaad kaloo ka heli kartaa in lagaa caawiyo casharada ama laylisyada iskuulkaaga
- Waxaad ka geybgali kartaa kooxaha ama dhacdooyin iyo barnaamijyada kala jaad jaad ah.

Guriga gabdhaha ee Tampere waa meel loogu talo galay gabdhaha iyo dumarka kaliya waxayna ku taalaa bartamaha magaalada Tampere.

Xiliyada ay furan tahay meeshan iyo kaaxaha halkaa ka howlgalaa sida akhbaarta la xiriirta barnaamijyada waxaad ka ogaan kartaa ama ka heli kartaa jadwalkeena sitimaanlaha ah. Faahfaahin wixii intaa dheeri ah waxaad ka heleysaa shaqaalaha.

Xubnaha qoyskaaga ka mid ahi way iman karaan oo ay arki karaan hadii ay doonayaan howsha ka socota gurigan gabdhaha ee Tampere. La soo xiriir shaqaalaha balanna ka qabso si aad u soo booqatid gurigan.

Soo dhowoow!

 

Adreesku waa:

Pyhäjärvenkatu 1 B 1

33200 Tampere